Share the post "Ma Dhabaa in Garoon Diyaaradeed laga Dhisay Jasiirada Abd al-Kuri oo ku Dhow Gobolka Bari & Sababta.."
Xuuraano loo qaateen ah ayaa daaha ka rogaaya in Garoon diyaaradeed oo qarsoodi ah ay ka dhisteen Jaziirada Abd al-Kuri ee ku taal badweynta Hindiya, oo 100-KM u jirta xeebaha Gobolka Bari ee waqooyi -bari ee Puntland Somalia oo marin muhiim u ah Maraakiibta Ganacsiga…
Wararka ayaa sheegaya in Dalalka Maraykanka, Israel iyo Imaaraatka inay yihiin kuwa Garoonka Diyaaradeed iyo dhismayaal kale dhisaya Jasiiradaasi, iyadoo Dadkii degenaa xoog lagu masaafuriyay waxaana la kala geeyay Jasiirada Socatra iyo Dalka UAE, tirada yar ee Yamaniyiinta ah oo Barnaamijkaan ka soo horjeestay ayaa dhamaantood Xabsi qarsoodi ah oo ay Maamulaan Saraakiil UAE iyo Israel la dhigay.
Macluumaadkaan Sirdoon ayaa tilmaamaya in Saldhigga Diyaaradaha Milatari ee USA, UAE iyo Israel si buuxda u maamuli doonaan dhaqdhaqaaqa Gacanka Cadmeed, Marinka Bab al-Mandab, iyo Gaadiidka Gsnacsiga Badda ee ka imanaya xeebaha Yemen ilaa kanaalka Guardafui ee Geeska Afrika, Sidoo kale Garoonada Magaalooyinka Berbera iyo Boosaaso ayaa noqday kuwa qeyb ka ah Dagaalka sokeeye ee Dalka Sudan, kadib markii Diyaaradaha Xamuulka Ee UAE ay si joogto ah ugu degaan Garoomadaasi si raad tirasho ah, Dowlada Federaalka ayaa ka gaabsatay iyo Maamulada Degaanadaasi kuwaasoo sandareerto yar lagu siiyo.