Dhibistii Qalbi-dhagax Oo Dhimbil Siyaasadeed Ku Noqotay Musharixiin

Somalia news

Sanadkii 2017-kii markii Maamulkii Farmaajo/Kheyre ay go’aansadeen iney Halgamaa Cabdikariim Sheekh Muuse u gacan geliyaan Maamulka Addis abeba, ayaa xiligaasi waxaa aad uga gilgishay Shacbiga Soomaaliyeed, iyadoo lagu eede iney go’aankaasi wada qaateen Musharixiinta Farmaajo/Kheyre…

Halgamaa Qalbidhagax wuxuu dhowr madal ka sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Xali Khayre, oo labaddaba murrashixiin kala ah, inaysan ku habbooneyn inay Somalia hoggaamiyaan, Waxaa soo baxaya faahfaahinno ku saabsan sidii golihii wasiirrada ee Khayre u qaatay go’aankii dhiibista Qalbidhagax, iyadoo Khadra Ducaale oo Wasiirkii Ganacsiga ahayd ayaa si kooban dadka ula wadaagtay habkii wasiirradu ugu codeeyeen go’aankii muwaadin Soomaaliyeed loogu gacan-galiyay Ethiopia.

Baarlamaanka Somalia ayaa ganafka ku dhuftay go’aanka dhiibista Qalbidhagax iyo ku tilmaamidda ONLF urur argagixiso, Mr. Farmaajo marnaba kama hadlin sida uu arko in qof Soomaaliyeed loo dhiibo dal kale, dalkaas oo aynan xitaa la lahayn isu dhiibista dadka dambiyada galay.

Taageerayaasha Khayre iyo Farmaajo ayaa ku doodaya in Qalbidhagax laga dhigtay hub siyaasadeed xilli doorasho ay socoto. “Waxa laga hadlayo waa xaq qof Soomaaliyeed oo dadkii dhiibbay ay doonayaan inay dalka hoggaamiyaan, qaarna hadda sharci-dejiyayaal ka tirsan labada aqal yihiin” ayuu Maxamuud kaga jawaabay eedeeynta in Qalbidhagax noqday olole siyaasadeed.

188580cookie-checkDhibistii Qalbi-dhagax Oo Dhimbil Siyaasadeed Ku Noqotay Musharixiin