Ma Dhabaa in Hey’ado NGO -European ah Lagu Eedeeyay Ka Ganacsiga & Dhoofinta Dahabka..

Africa News

Warbixin ay soo saartay Hey’ad NGO ah ayaa eed ugu saarisay Dowladaha UAE iyo Swiss, kadib markii shixnado Dahab Kontroban ah si qarsoodi iyo sharci darro ah looga saaro tiro Dalal African ah isla markaasna si transit ah oo raad tirasho ah loo mariyo Garoonka Diyaardaha ee Magaalada Dubai kadib laga dejiyo (Dahabkaasi) dalka Swiss land..

Warbixinta ayaa daaha ka rogeysa in Dahabka laga soo biuxiyo Boorsooyin kadibna Shixnadahaan oo lagu qiyaasay 2,569 tan oo dahab ah, oo qiimihiisu yahay $ 115.3 bilyan, waxaana laga soo xadaa in ka badan 20-Dal oo Africa ah sida ay tilmaamtay Swissaid, iyadoo Dalal lagu eedeeyay dhoofinta sharci darrada ah waxaa ka mid ah Zimbabwe, Ghana iyo Mali, iyadoo ka shaqeynta soo saarista Dahabkaasi ay Caruur da’doodu hooseyso ku lug leeyihiin.

Fadeexadaan ayaa lagu eedeeyay Dalal badan oo European Union ka tirsan, waxaana ka mid ah UK, Italy iyo Belgium, iyadoo Ganacsatadooda Dahabka ay aad u iibsadaan, Sanadkaan bilowgiisa ayaa Dalalka Mali, Burkina faso, Niger ayaa Dalalkooda ka eryay Ciidamada France iyo USA sababo la xiriira Macdanta Uranium-ka oo sifo sharci darro ah looga dhoofin jiray dalalkooda.

329930cookie-checkMa Dhabaa in Hey’ado NGO -European ah Lagu Eedeeyay Ka Ganacsiga & Dhoofinta Dahabka..