Istraateejiyada cusub ee Dalalka Reer Galbeedka ee Qaarada Africa & Guuxa Naceybka Xambaarsan…

Africa News

Qaarada Africa ayaa udub dhexaad u noqotay Dagaal-Siyaasadeedka u dhaxeeya Dalalka reer Galbeedka iyo Isbaheysiga China-Russia, iyadoo kulamo lagu xodxodanaayo Hogaamiyayaasha Qaarada ay joogto noqdeen, iyadoo ay barbar socoto isbedelo (Kacdoon) Xukunka looga tuuraayo Hogaamiyayaasha Africa ee xiriirka la leh Reer Galbeedka…

Khudbad uu Madaxweynaha USA Mr.Biden u jeediyay dhamaadkii sanadkii 2022-kii, ayaa waxaa ka mid aheyd erayadiisa “Guusha Afrika waa guusha Aduunka”, Hadalkaasi ayaa loo fasiray iney aheyd qirasho dahsoon, kadib markii reer galbeedka ay lumiyeen awoodii iyo saamayntii ay ku lahaan jireen Qaaradda, marka loo barbardhigo awooda iyo saamaynta kordheysa ee China iyo quwadaha kale ay ku lahaanayaan Afrika.

Dhanka kale, Waarada Afrika waxaa loo heystaa iney tahey meesha uu xalka mustaqbalka uu ku jiro, markey noqoto kheyraadka dabiiciga ah, kuwa kale ee nolosha ku xiran iyo isbedelka cimilada iwm. Kulankaa Washington D.C, waxa uu horseeday in Dalalka Europe sida France ay bilaabeen ka hadalka qaabkey ula shaqeyn doonaan Hogaamiyayaasha Qaarada Afrika iyo waxa uu iskaashigoodu ku salaysnaan doono, inkastoo Dhibaatooyin baaxad leh ay geysteen qarniyadio ugu dambeeyay isla markaasna ay diidan yihiin iney mag dhaw ka bixiyaan ficiladoodii foosha xumaa.

280070cookie-checkIstraateejiyada cusub ee Dalalka Reer Galbeedka ee Qaarada Africa & Guuxa Naceybka Xambaarsan…