Ma Dhabaa in Horjoogihii Kooxda Argagixisada Daacishta uu ku Sugan Yahay Degaanada Puntland…

Somalia news

Macluumaad Sirdoon ayaa daaha ka rogaaya in Horjoohigii guud ee Kooxda Argagixisada Daacishta Abuu Hafsa Al-Hashemi Al-Qurashi uu todobaadyadii ugu dambeeyay uu ku sugan yahay dhulka Buuraleyda ee Calmadow ee Gobolka Bari Puntland, iyadoo Qulqulka Maleeshiyaadka kooxdani laga dareemay degaanadaasi…

Daadad Xan ah oo ka soo baxaaya Qulqulkaasi ayaa tilmaamaya in Horjoogahaan iyo tiro Horgalo ah ay ka soo kicitimeen Dalalka Syria/Irak midkood, iyagoo soo gaaray Dalka Yemen waxeyna xuuraanku sheegayaan iney soo gaareen Dhulka Buuraleyda ku wareegsan Gobolka Bari (Puntland), halkaasoo ay ka wadaan Kulamo iyo wada tashiyo ay la leeyihiin Wakiilada Kooxdaani ee Somalia.

Khabiir ku xeel dheer arrimaha Amniga & Argagixisada ayaa sheegay in “Kooxdani u arkaan Somalia degaano maalgelin afjaartooda ah iyo dhaqaale ka fulin karaan, iyagoo qorsheynaaya iney isku fidiyaan Dalalka Ethiopia iyo Kenya”, Marka, Khaliifku wuxuu bixiyaa Jihada Istrateejiyadeed ee sahleysa Horumarka Afkaartooda iyo soo jiidashada Dhalinyarada busaarada Shaqo la’aanta heysa si ay xoog ugu noqdaan Halganka Kooxda.

Dhaqdhaqaayadaan ayaa imaanaya xilli khilaaf muddo ku dhawaad 3-sano jirsaday una dhaxeeya Maamulka Dani ee Puntland iyo Dowlada Federaalka, kaasoo horseeday in dhaqaalihii kabka Miisaaniyada iyo Mashaariicda Horumarinta laga Jaro Puntland ayna qarka u saaran tahay iney burburto ama Ciidamadooda ku biiraan kooxaha Burcad badeedka ama argagixisada, iyadoo sii xoogeysashada Kooxda Daacishta Somalia iyo dhaqdhaqaayada Kooxda Xuutiyiinta uu helis geli karo midnimada, Wadajirka & Dowladnimada Somalia.

332330cookie-checkMa Dhabaa in Horjoogihii Kooxda Argagixisada Daacishta uu ku Sugan Yahay Degaanada Puntland…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com