Qorshaha Halista ah Ee UK Ka Leedahay Dalka Somalia & Dareen La’aanta Dowlada iyo Shacbiga..

Somalia news

Sida la wada xusuusan yahay Boqortooyada Gabalkeeda dhacay ee UK oo mat lagu sheegi jiray inuusan Maamulkeedu gabalka u dhicin, isla markaasna ku eedeysan iney Dhulka Somalia kala qeybisay oo Ethiopia iyo Kenya siisay, ayaa hadda wada qorshe halis ah taasoo ku xiran damaceeda iyo danaheeda, iyadoo u soo martay Maraaxiil kala duwan iyo qorshe hor tabineed…

Saraakiisha UK ee ka howlgala Somalia ayaa waxayna dejiyeen khariidad iyo shaqooyin qaabeysan oo hortebin u leh, qorshahaan oo isku bedeli kara hadba xaaladda timaada, Istraatiijiyada UK ee ku aadan Somalia ay si degdeg ah isu bedalaysey tan iyo duulaankii Russia ku qaadey dalka Ukraine, iyadoo Saameyntii iyo awood sheegashadii Dalalka ay hormuudka u yihiin USA iyo UK uu maalinba maalinta ka dambeysa uu hoos u dhacaayay.

25-kii sano ee u dambeysey Istraatiijiyadda reer galbeedka  ee Somalia ayaa waxay ahayd mid aan wax badan iska bedelin dhibaatadii ay abuureen oo burburka iyo dagaalada sokeeye u horseeday Dalka, iyagoo xoogga saaray, Dhinacyada Gargaarka Dalka la siiyo, la dagaalanka xag-jirnimada, ku lug-lahaanshaha dagaalada tooska ah ee al-Shabaab/Daacish, Marna ma dhicin in si toos ah danaha la wadaago la is dhaafsado, iyadoo la arki karo qorshaha fog ee reer galbeedku ka lahaayeen Somalia.

Danaha Dowlada UK ee Somalia

Dowlada UK oo ka mid ah dalalka sida weyn u daneeya arrimaha Somalia dhiira geliyana kala qeybsanaan Maamulada Dalka ayaa hadda u muuqata in ay hogaanka u qabatey  isbeddelkan cusub, kadib markii ay si buuxda uga baxdey Midowga Yurub, waxeyna hadda wada qorshe ay ku dooneyso iney ku maalgeliso mashruuc ay ugu magac dartay “Berbera Corridor) si dhaqaalaha degaanada Waqooyiga loo kobciyo, shaqo abuur loogu sameeyo, loona horumariyo horumar waara+dejinta isla markaasna Maamulka Waqooyiga ka madaxbanaanado Dalka intiisa kale.

Danjiraha UK ee Somalia Mr Michael Nithavrianakis  oo todobaadkii tagay gaaray magaalada Garoowe ayaa sheegay in Somalia ay ka dhacayaan/dhaceen isbeddelo, kuwaasoo loo baahan yahay in Puntland ay qayb ka noqoto, isbeddalada ayaa u gogol xaaraya Somalia oo gasha marxalad cusub, waxaana ka mid ah isbeddalada Mr Nithavrianakis  sheegay.

-Qaadista cunaqabateynta hubka ee Somalia, taasoo UK ka soo abaabushay

-Barnaamijka DEYN CAFINTA oo isla  sanadkan ama bilowga 2024 la dhamaystiraayo.

-Qabyo-tirka Dastuurka cusub ee Somalia, waxaa si weyn u taageersan Dowladda UK oo dhaqaale ku bixineyso.

-Heshiiska SSC iyo Somaliland, weli abaabulo dagaal beeleedyo ayaa degaanada ka taagan, si loo heshiiyo ay adag tahay inta Xilka hayo Muuse Biixi oo dembiyo dagaal iyo xasuuq geystay loo heysto, ku darsoo Istaraatiijiyadda cusub ee UK ayaa ah in la burburiyo dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, marka hore lagu dayo heshiis nabadeed in ay la galaan Somaliland haddii taasi socon weydo in awood loo isticmaalo oo la gaarsiiyo heer ay heshiiska oggolaadaan.

Dadka arrimahan fahamsan ayaa sheegaya in qorshaha ugu weyn ee UK uu yahay in qalalaase ka dhaco Puntland oo dagaalo siyaasadeed ay ka bilowdaan, taasi waxay kenaysaa in beelaha Hartiga ah la kala jabiyo awoodooda, kuwaasoo badankood ku qasbanaada ama iney qayb ka noqdaan colaada Puntland ama iney difaac ka xirtaan gobolka Sanaag.

-Dib u bilaabidda wadahadalka Dowladda Federaalka iyo Somaliland iyadoo lagu salaynaayo Istraatiijiyadda Konfur iyo Waqooyi.

-Kooxda Argagixisada Shabaabka oo lala furo wada hadal nabadeed galkaas oo mar dhaw loo gacan-geliyey dowlad carbeed (Qadar/UAE).

KHEYRAADKA SHIDAALKA GOBOLADA SOOL & SANAAG

Dowladaha USA & UK waxey muddo dheer kala shaqeyneysey Maamulka Waqooyiga sidii loo soo saari lahaa kheyraadka shidaalka oo ay ka lahayeen qorshe fog, meelaha ay sida weyn u doonanyaan waxaa ka mid ah ceelashada dooxada Nugaal gaar ahaan halka loo yaqaan Holhol.

291160cookie-checkQorshaha Halista ah Ee UK Ka Leedahay Dalka Somalia & Dareen La’aanta Dowlada iyo Shacbiga..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com