Ma Dhabaa in Hubka ay Qabteen Xoogaga PMPF ee Maamulka Puntland uu u Socday Maamulka SSC…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in howlgal ay fuliyeen Xoogaga Amaanka ee PMPF ayeey ku soo qabteen noocyo kala duwan ee Qoryaha Culus iyo kuwa fudud, iyadoo la xaqiijiyay in laga soo dejiyay Xeebta Qow oo ku dhow magaalada Bosaso ee Gobolka Bari, waxaana warar kala duwan ay soo baxayaan halka loo waday…

Warar loo qaateen ah ayaa sheegayaa in Qoryahaan ay soo degsadeen Ganacsato ka soo jeeda Beel degaanka degan loona waday Gobolka Sool si looga iibiyo, waxaana ka horeeyay shixnad kale oo isla dekedaasi laga soo dejiyay, sida ay sheegayaan wararku khilaafka u dhaxeeya Hogaamiyaha SSC-Khatumo iyo Deniga Puntland ayeey salka ku heysa qabashada, ku darsoo Tiro Qoryaha Zuu-23mm oo Duleedka Boosaaso laga soo dejiyay laga Iibiyay Maamulka Hargeysa.

Waxaa marqaati ma doonta ah in Suuqayada Hubka lagu iibiyo ee Magaalada Boosaaso uu shaqeeyo, iyadoo wararku ay sheegayaan in soo dejinta hubka & rasaasta ay kordheen bilihii ugu dambeeyay ayna saameyn iyo fududeyn ku leeyihiin dhinacyo kala duwan oo Maamulka Puntland iyo Mucaaradka kuwaasoo dhaqaale badan ka macaasha.

327470cookie-checkMa Dhabaa in Hubka ay Qabteen Xoogaga PMPF ee Maamulka Puntland uu u Socday Maamulka SSC…