Ma Dhabaa in $2.5-US$ laga qaatay ‘300 oo Tiro Maraakiib ah’ oo soo galaya Xeebaha Dalka..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Ergo ka Wakiil ah Madaxweynaha Somalia ayaa 15-kii bishan July u diray dalka Imaaraatka Carabta, Ergadaab waxaa Hormuud u ahaa Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraada Badda Axmed Xassan, kaasoo ay wehliyeen 2/xubnood oo ah Ganacsato wakiil ka ah Madaxweynaha…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in ujeedada waftigan ay tahay siddii ay heshiis ku aadan jariifka kalluunka xeebaha dalka ula gali lahaayeen Shirkad laga leeyahay China, Heshiiskaan qarsoodiga ah ayuu Wasiirka Kalluumeysiga XFS ku saxiixay hotelka Marinada ee magaalada Dubia, kaasoo oggolaanaya in 300 Maraakiib ah ay soo galaan Badda Somalia, si ay u jariifaan.

Wararka ayaa sheegau in Wasiirka uu Qidmad ahasn u qaatay adduun dhan $2.5-Millions, sida Madaxweynuhu ku amray, Qandaraaskaan ayaa waxaa wakiil kasii noqonayaan qaar kamid ah Qoyska ama ehelada Madaxweynaha, gaar ahaana ganacsade xiligii Ololaha lacag ku taageeray, oo ay wakiil ka ahaayeen 2 xubnood.

267340cookie-checkMa Dhabaa in $2.5-US$ laga qaatay ‘300 oo Tiro Maraakiib ah’ oo soo galaya Xeebaha Dalka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com