Ma Dhabaa in Is-Rasaaseyn & Is-fahmi waa uu ka Dhashay Baacsiga Koox Hub & Rasaas kala Soo Degeen Xeebaha Boosaaso..

Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa xaqiijineysa in Xoogaga Amaanka Magaalada Bosaaso ay soo gaareen Xuuraan la xiriira in Koox degaanka kasoo jeeda ay Qorsheynayeen iney hub & Rasaas Ganacsi loo waday ay kala soo degaan marin xeebeed ku dhow magaalada Boosaaso…

Hadaba Maxaa Dhacay

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Ciidamadii Boliiska ee Howlgalka waday ayaa waxaa dagaal ku qaaday Ilaalada Madaxtooyada iyo Xoogaga PMPF ee ka amar qaatay Mr.Deni, taasoo u sahashay in Kooxdii Hubka wadatay ay goobta kala baxsadaan hubkii iyo rasaastii ayna magaalada geliyaan.

Wararka ayaa sheegaya in Sarkaal ka tirsan Boliiska ah iyo Laba Qof oo Rayid ah ayaa ku dhaawacmay hawlgalka dhicisoobay, iyadoo kooxdii hubka soo degsatay lagu sheegay iney ka soo jeedaan Beesha Cusmaan Maxamuud Bah-Yacquub, Xoogaga PSF ayaa la sheegay ineysan wax xiriir ah la laheyn dhacdadaan, halka is-rasaaseyntu ka dhacday ay u jirto 3-KM fariisinkoodu.

Waxaa marqaati ma doonto ah in ka ganacsiga, qulqulka hubka iyo Rasaasta laga keeno Dalka Yemen laga soo dejiyo Duleedka magaalada Boosaaso isla markaasna si fudud lagu geliyo magaalada kadibna loo raro Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo iyadoo ay fududeeyaan Xoogaga Amaanka, ku darsoo magaalada Waxaa in muddo ah ka hirgalay qad-cagaaran iyo in Maamulka Deni uu ku fashilmay in xal waara uu u helo magaalada kala qeybsan.

325630cookie-checkMa Dhabaa in Is-Rasaaseyn & Is-fahmi waa uu ka Dhashay Baacsiga Koox Hub & Rasaas kala Soo Degeen Xeebaha Boosaaso..