Dab Khasaare Geystey oo ka kacay Suuq-Ganacsiyeedka Degaanka Wajaale..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Wajaale ee Xuduudka Somalia iyo Ethiopia ayaa sheegaya in Dab khasaare Xoogan geystay ayaa ka kacay suuq ganacsiyeedka degaanka oo dhacda xuduudka, iyadoo la sheegay inuu ku faafay si fudud Boqolaal Meheradood….

Wararka ayaa sheegay in Degaanku uusan lahayn kooxo iyo Gadiid dab damis oo u babac dhigi kara dab sidan oo kale u xoogan, isla markaana Dadweynaha ayaa isku dayaya in ay alaabada ka daad gureeyaan meharadaha uu dabku ku fidaayo.

Degaanka Waqooyiga Somalia gaar ahaan Magaalada Hargeysa ayaa waxa uga gubtay suuqii Waaheen, kaasoo gubashadiisu ay dhaqaalaha samayn wayn ku yeelatay, sidoo kale suuqa Wajaale ayaa ah il dhaqaale oo wayn oo Somaliland ku tiirsantahay, iyadoo Marka laga yimaado gubashada suuqyada sidookale labadii sano ee u dambaysay waxa gubtay suuqyo badan oo Soomaali leedahay, sida suuqa Jigjiga, Suuqa Gaarisa, Suuqa Jabuuti iyo ka Muqdisho oo dab qabsaday.

277520cookie-checkDab Khasaare Geystey oo ka kacay Suuq-Ganacsiyeedka Degaanka Wajaale..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com