Ma Dhabaa in Israel & UAE ay Qorsheynayaaan iney Saldhiig Ciidan Ka Dhistaan Degmada Berbera..

Security Somalia news

Sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed, Dalalka Israel & UAE ayaa waxey dejiyeen Qorshe Istratejiyadeed Degmada Berbera ee Somalia uga dhisan lahaayeen Fariisimo Ciidamo Bad/Cir, si ay ugula dagaalamaan Xoogaga Xuutiyiinta ee Dalka Yemen kuwaasoo Maraakiibta Ganacsiga ee u socda Dekeda Eliat ee Israel ka hor istaagay iney Biyaha Gacanka Cadmeed adeegsadaan…

Xogtasn ayaa xaqiijisay in Dowlada Imaraadka ay dooneyso iney ku qancisay Maamulka Somaliland faa’iidooyinka ay ka mid yihiin iney si rasmi ah u aqoonsatay Israa’iil oo ay ku bedalato inay martigeliso Saldhigaasi, Maamulka Gooni goosadka Waqooyiga Somalia iyo Maamulka Puntland ayaa la xaqiijiyay iney ugu yabooneen Israel iyo UAE iney Saldhig ka furtaan Degmooyinka Berbera iyo Xaafuun si dhaqaale uga macaashaan inkastoo Qorshahaan hirgeli waayay.

Somalia ayaa waxey leedahay Xeeb dherarkeedu yahay 3300-KM kuna teedsan Gacanka Cadmeed ilaa Badweynta India, waxeyna door hormuudnimo ka ciyaari kartaa xiisadaha ka aloisan Marin biyoodka Beab al-mandab iyo Badda Cas oo sanadihii ugu dambeeyay dib boorka loiga jafay kooxaha Burcad badeedka, Tahriibka iyo Kuwa ka Ganacsada Hubka sharci darrada ay ee ku nool Degaanada Waqooyiga iyo Puntland.

346810cookie-checkMa Dhabaa in Israel & UAE ay Qorsheynayaaan iney Saldhiig Ciidan Ka Dhistaan Degmada Berbera..