Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Diinah.com, in Saraakiisha Maamulka Villa Somalia ay dejiyeen qorshe ay ku bedelayaan Maamulka haatan ka arimiya Dowlad goboleedka Hir-Shabelle…
Wararka ayaa sheegaya in Mr.Farmaajo oo aan Safar ku tegin Magaalada Jowhar intii la doortay, ayaa qorsheystay inuu Ciidamo 2000 oo Askari u daadgureeyo si booqashadiisa u hirgasho, isla markaasna uu Ciidamada jooga uga soo qaado xoog iyo xeeladba, kuna hungoobay in qorshahaasi hirgalo.
Waxaa hadda miiska saaran Qorshe 2-aad (Plan B), oo ah In Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa xiligaan talada haya laga wareejiyo Marka la gaaro Bisha 9-10 ee Sanadkaan, iyadoo Mr.Awaare loo balanqaaday qaaday inuu Xil ka qabto Ururka IGAD, Halka Madaxweyne Kuxigeenka La oggoleysiinaayo inuu xilal duwan ee Dowlada midkood qaato iyo Dhaqaale.
Xogtaan ayaa Diinah.com u xaqiijisay in Madaxtooyada Villa Somalia ay Diyaarsadeen iney Xilka Madaxweynanimada u sharaxaan Horjooge Cabdullaahi Goodax Barre halka Madaxweyne Kuxigeenka Loo wado inuu noqdo Horjooge Salaad Cali Jeelle.