USA Iyo Dalal Kale Oo Qurba Joog Ka Daadgureeyay Muqdisho

Health

Soomaalida Qurbe-joogta ahayd ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa loo qaadayaa dalalka ay dhalashada ka heystaan ee UK iyo Waqooyiga Mareykanka, markii ay sidaasi dalbadeen….

Dadkan Soomaalida ah ee heysta dhalashada dalalka Mareykanka, UK, Canada iyo dalalka kale ee Yurub ayaa safaaradahooda Muqdisho ay in muddo ah diyaarinayen sidii loogu heli lahaa qaab looga saaro dalka Soomaaliya, waxaana farriimo iyo xiriiro lasoo sameeyay safaaradahaasi.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa Soomaalida heysta dhalashada USA ku wargelisay jiritaanka duulimaad ay qababqaabisay oo diyaaradda Ethiopian Airlines uga dhoofeyso Muqdisho Khamiista maanta 14-ka May iyadoo sii mareysa magaalada Addis ababa, kadibna tegi doonta Dulles Airport.

Diyaaradda ayaa waxaa marii danbe adeegsigeeda ku soo biiray safaaradaha UK iyo Canada, waxaana Muqdisho ka baxaya 160 qof oo saddexaaas dal dhalasho ka heysta.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia ayaa la sheegay inay ka mid yihiin dadka dhoofay Muqdisho, waxaana ku jira Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibada Mr.Cabdulqaadir Axmed Kheyr, Xildhibaano, iyo Mas’uuliyiin kale.

Soomaalida qurbe-joogta ah ayaa muddo 14 maalmood ah oo karaantiil ah la marin doonaa ama laga dalban doono inay is-karantiilaan, marka ay ku laabtan dalalkoodii.

34260cookie-checkUSA Iyo Dalal Kale Oo Qurba Joog Ka Daadgureeyay Muqdisho