Ma Dhabaa in Somalia ay Wada hadal ay Garwadeen ka Tahay IGAD la Galeyso Ethiopia.

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Qorshe wada hadal oo ay Garwadeen ka tahay Urur-Goboleedka IGAD una dhaxeeya Somalia & Ethiopia lagu qaban doono Dalka Kenya, salkana ku haya Khilaafka dhaliyay Heshiiska Is-fahamka ee Xeebaha Somaliland la gashay Ethiopia…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Waraidaha Diinah.com news in Urur-Goboleedka IGAD ay diyaarisay qorshe ay si qarsoodi u wada dejiyeen Ethiopia iyo Kenya kaasoo ah iney dhisaan “Taskforce on Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed”, iyadoo ujeeddadu ka dambeysa ay tahay in laga soo saaro talooyin sahlaya in Ethiopia iyo Somalia ay heshiis ka gaaraan.

Xuuraankaan ayaa in Qoraal ka soo baxday Guddiga Howshasn u xilsaaran kuna taariikheysneyd 10-ka bishan July oo ay ku qoran yihiin faahfaahinta kulanka soo socda loo diray Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee IGAD, iyadoo sidoo kale nuqul ka mid ah loo diray Safaaradaha Dalalka IGAD, Waxaana la filayaa in magaalada Machakos ee Dalka Kenya uu ka furmo shirka wafdiga Ethiopiw iyo Somalia 7-8 Agoosto 2024.

Ergada Somalia Kulankaasi ku meteli doona ayaa waxaa ka mid ah Mr.Yuusuf Garaad Ergeyga Somalia ee Badda Cas iyo Bariga Africa ee Madaxweynaha, Mr.Xuseen Yuusuf oo ah Agaasimaha Siyaasadda iyo Qorsheynta ee Madaxtooyada iyo Maxamed Isaaq Ibraahim oo xubin hawleed ah, Halka Ethiopia sy direyso Fiseha Shawul oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibeda, Jacfar Bedru oo ah Agaasimaha Fulinta ee Machadka Arrimaha Dibadda iyo Sarreeye Guuto Bulti Tadesse Kittila oo ka tirsan Kulliyada Dagaalka ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Xeeldheerayaasha arrimaha Geeska Africa ayaa uga digay Madaxtooyada Somalia iney ku dhacaan Dabinada iyo shirqoolada wakhti lumiska ah ee Ethiopia ay dejisay sidii ay ku dhameysay Xiisadii Biyo xirenka Gerd ee Sudan & Egypt kala dhaxeysay muddo dheerna soo jiitameysay kuna soo dhamaatay fashil iyo iney howshooda dhameystaan, Villa Somalia waxaa looga fadhiyaa iney Shacbiga u caddeyso barnaamijeedka ku aadan wada Hadaladaan is-barbar yaaca ah oo Galinba Dal Ergo u direyso taasoo Somalia aan dan ugu jirin.

335460cookie-checkMa Dhabaa in Somalia ay Wada hadal ay Garwadeen ka Tahay IGAD la Galeyso Ethiopia.
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com