Dugsiga Boliiska Mogadishu Oo Isku Horfadhiyaan Ciidamo

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya nawaaxiga Dugsiga Sare Ee Ciidamada Boliiska ayaa sheegaya in Xiisado colaadeed oo u dhaxeeya Ciidamada ka kala tirsan Boliiska iyo Xoogga Dalka, kuwaasoo difaac isugu jira, iskuna heysta dhul Boliiska leeyahay….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Xiisadani ay soo shaac baxday kadib markii Ciidamo ka tirsan Militariga ay dhismo ka bilaabeen Dhul uu iska leeyahay Dugsiga Boliiska (Garoon ciyaareed) kuna fagaaraha dadka toogto.

Xiisadani ayaa la sheegay iney si gaar ah u dhaxeysa Taliyaha Ciidamada Xoogga Odowaa yuusuf Raage oo dhinac ah iyo Taliyaha Boliiska Xijaar iyo kan Gobolka Banaadir Saadiq John, Ciidamada Xoogga ayaa doonaya in xero Ciidan ka dhistaan aaga toogashada, Balse Boliiska ayaa ka soo horjeyda talaabadaasi, waxeyna ku kala jiraan dhifeysyo.

#Lasocowixiikusookordha#

106980cookie-checkDugsiga Boliiska Mogadishu Oo Isku Horfadhiyaan Ciidamo