Ma Dhabaa in Xil Ka Qaadista Gudoomiyaha Gobolka Benadir Lagu Qaronaayo Fashilka Villa Somalia..

Domestic News Politics Security Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Benaadir Madaxweynaha Soomaaliya oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir sababo badsn oo is-biirsaday, iyadoo ay ugu weyn tahay inuu ka gaabiyay inuu hirgeliyo qorshe dhul boob oo Hogaanka Fashilmay ee Villa Somalia muddo soo waday..

Xuuraano loo qaateen ah ayaa sheegaya in xil ka qaadistan ay soo shaac baxay kadib markii uu Guddoomiye Amiir ku guuldarreystay inuu bulshada uu ka dhashay ku qanciyo qorshe uu Madaxweynaha doonayay in lagu boobo dhul ballaaran oo u dhexeeya Ceel Macaan iyo Warsheekh Dhulkaan oo muhiimad istaraatiiji ah leh oo taabanaya dhinacyada Garoonka Diyaaradaha cusub ee la qorsheeyay iyo Degaanka.

Xilka ka xayuubintaan ayaa ku soo beegmatay xili ay magaalada Muqdisho ka socdaan Kulamo ay Garabyada kala duwan ee Kooxaha Mucaaradka, Dad badan ayaa yaqiinsan in talaabadan ay tahay isku day lagu doonayo in lagu leexiyo dareenka Bulshada iyo Warbaahinta, maadaama Madaxweynaha uu cku fashilmay howlihii loo igmaday isla markaasna cadaadis xoogan kala kulmayo Garbyada kooxaha Mucaaradka.

Somalia ayaa haatan wajahaysa xaalad siyaasadeed oo cakiran, iyadoo khilaafaadka u dhexeeya Hogaanka fashilka ee Dowlada iyo Mucaaradka ay sii xoogeysanayaan, dhaqdhaqaaqyadaani oo halis gelin karta xasilloonida siyaasadeed iyo Amniga guud ee Caasimada iyo tan Dalka.

374530cookie-checkMa Dhabaa in Xil Ka Qaadista Gudoomiyaha Gobolka Benadir Lagu Qaronaayo Fashilka Villa Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *