Dadaalo Lagu Xalinaayo Caqabadaha Hortaagan Kulanka Muqdishu

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Diinah.com news u sheegay in dadaalo lagu xalinaayo Caqabadaha hortaagan Kulanka Muqdishu, ayna wadaan dhinacyo badan ayaa Xalay ilaa xili dambe ay socdeen, inkastoo aan natiijo buuran laga gaarin, qodobka ugu adag oo ah Ciidamada Gedo in laga soo qaado oo aan weli laga heshiinin….

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Villa Somalia ay oggolaatay in Madaxweynayaasha Maamulada Hir-Shabelle iyo Konfur galbeed ka soo qeyb galaan Kulanka Lagu wado in dib loo qabyo tiro Qodobadii laga soo saaray Heshiiskii Dhuusa mareeb-3, si loo gaaro heshiis loo dhan yahay,

Sidoo kale shuruudaha waxaa ku jira in gunaanadka ama bartamaha kulanka laga qeyb geliyo Xisbiyada siyaasadda, sida Kulanka Muqdishu uu u noqdo mid loo dhan yahay.

58480cookie-checkDadaalo Lagu Xalinaayo Caqabadaha Hortaagan Kulanka Muqdishu