Ma Dhabaa in Xoogaga Amaanka Kenya ay Xayireen 2-Xildhibaan oo ka Tirsan Barlamaanka Somalia..

Somalia news

Warar is khilaafsan ayaa laga helayaa koox lagu sheegay iney ka tirsan yihiin Xoogaga Amaanka Kenya kuwaasoo qabtay 2-Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somalia xiligaasi ku dhex jiray Goob Shiishada lagu cabo oo xaafad ka tirsan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya…

Wararka ayaa sheegaya in Labada Xildhibaan lagu kala magacaabo Axmed Cabdi Kooshin (oo ka soo jeeda Somaliland) iyo Xasan Cabdinuur (Maamulka Konfur Galbeed) oo ay weheliyaan Xildhibaan saddexaad oo lagu magacaabo Cali Mahdi Qalato (oo ka soo jeeda Puntland) ayaa ka soo baxay goob ku yaalla Xaafadda Nairobi kuwa Shiishada lagu cabo.

Wararka ayaa sheegay in Xildhibaanada ay ka soo baxeen goob shiishada lagu cabo, iyadoo Xubnaha Xoogaga Amaanka ay muddo kooban xayireen Xildhibaanadaani inkastoo markii dambe ay siidaayeen, Taageerayaasha N&N ayaa ku eedeeyay Xariga Xildhibaanada Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka oo ay sheegeen inuu u adeegsaday Hey’ada Sirdoonka Kenya, kafib markii Xildhibaanadani ay qeyb ka noqdeen kuwa abaabulaaya Mooshin.

Dalka Kenya ayaa waxaa mamnuuc ka ah Ka ganacsiga Shiishada iyo Isticmaalkeeda sababo Caafimaad awgeed, iyadoo magaalada Nairobi ay ku yaalaan 2-3 Goobood oo Shiishada lagu cabo, inkastoo aysan Xoogaga Amaanka waxba ka qaban goobahaasi oo ay iska leeyihiin Gabdho Somali iyo Ethiopian kana ganacsada Shiishada.

332430cookie-checkMa Dhabaa in Xoogaga Amaanka Kenya ay Xayireen 2-Xildhibaan oo ka Tirsan Barlamaanka Somalia..