Shirqoolo Siyaasadeed Oo Dilaacay Xili la Howlgeliyay 2-Kaarlayaasha

Somalia news

Dalka Somalia ayaa xiligaan taagan is-goys khatar ah, iyadoo Xulashada dadban ee xeerbeegta Baarlamaanka 11-aad ay dhamaad ku dhowdahay, ayaa waxaa soo shaac baxaaya firaaqo amni, iyadoo Wakiilada Beesha Caalamka lagu eedeeyay iney dhibaatada qeyb ka yihiin…

Maxaa yeelay waxey Wasiirka 1-aad ku cadaadiyeen inuu ka tanaasulo qodobka ku saabsan inuu la wareego Hey’addaha Amniga, iyadoo dhacdooyinka Argagixisada ee Xeyndaabka Garoonka diyaaradaha iyo Dilka Xildhibaanad Aamino ay muujinayaan in dhegaha laga fureystay digniinada amaan ee horey loo bixiyay.

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, waxaa hore loola xariiray dilka dad badan oo ka aragti duwanaa, [Shirqool siyaasadeed], kuwaasoo loo adeegsaday 2-kaarlayaasha hayeeshee, beegsiga xalay lagu dilay Marxuumad Aamino, ayaa ah mid aan wax shaki ku jirin, in Madaxtooyada Somalia wax ka soo maleegtay Qorshahaan guracan.

Beegsiga Marxuumad Aamina ayaa u muuqda mid bilow u ah shirqool Siyaasadeed xiliyada dhow ka dhici kara qeybo ka mid ah Caasimada iyo guud ahaan Dalka, maadama hardanka Doorashada uu kululaaday aysana jirin amni la isku haleyn karo, iyadoo Xubno ka mid ah Mucaaradka ay heleen Fariimo hanjabaado dil ah Oo si shaqsi loo soo gaarsiyay, weerarada shalay dhacay ama waxey bilow u yihiin silsilado mowjado dilal & qaraxyo xambaarsan.

177290cookie-checkShirqoolo Siyaasadeed Oo Dilaacay Xili la Howlgeliyay 2-Kaarlayaasha