Ma Dhabaa Inuu Khilaaf u Dhaxeeyo Farmaajo Iyo Rooble

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble uu soo jiitamaayay, isla markaasna lagu daabaco wareegto uu soo saaray Boggs Facebook ee Villa Somalia, isagoo xayiray in Heshiisyo iyo Is-afgarad la la galo Dowlado iyo Shirkaddo…

Talaabadaan ayaa yimid kadib markii Warsidahaan lagu daabacay in Rooble uu qorsheynaayo inuu Safar ku tago Magaalada Nairobi isla markaasna ay labada Dowladood kala saxiixdaan Heshiis is-afgarad ah ayna ku jiraan in Ganacsiga iyo Safarada, taasoo aad uga careysiisay Farmaajo oo Rajadiisa Doorashada mugdi galineysa, Farmaajo wuxuu isku dayay inuu xiriir la sameeyo Kenya, isla markaasna isku daygaasina uu dhicisoobay.

Ilo Wareedyo ayaa u xaqiijiyay in Khilaafkaan uu sidoo kale salka ku hayo Rooble oo isku dayay inuu Xilka ka qaado Adeege Fahad Yasin, waxaana hor istaagay Farmaajo, iyadoo sidoo kale Uu Farmaajo uusan ku qanacsaneyn Safarka Rooble Ee Kenya dalbadayna in la joojiyo.

Xayiraadaan ayaa ku soo aadeysa xili Maanta la filaayo in Wasiirada Arrimaha Dibeda Kenya ay Muqdishu booqasho ku imaaneyso, iyadoo Rooble gudoonsiin doonta casumaad rasmi ah inuu Talaadada ku tago Kenya.

Warar xogogaal ah ayaa cadeynaya in heshiiska qarsoodiga ah ay kujiraan qodobo dhaawac siyaasadeed ugu ah dib u doorashada Farmaajo, Bacdamaa Danta Ganacsi Ee Walaalkiis Xasan Farmaajo uu ka hormariyay Danta Guud, ku darsoo Farmaajo iyo Rooble isma hor fadhiisan tan iyo markii Kulan jiis Xilka cusub loo magacaabay.

133630cookie-checkMa Dhabaa Inuu Khilaaf u Dhaxeeyo Farmaajo Iyo Rooble