Xoogaga Amaanka Konfurta Gaalkacyo Oo Shaaciyeen Qabashada Keydkii Qaraxyada Shababka

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay fuliyeen Xoogaga Amaanka ee Dowlad Goboleed Galmudug ayeey ku suurto geliyeen iney soo qabtaan Keydkii Qaraxyada ee Maleeshiyaadka kooxda argagixisada Shababka ee Gobolka Mudug…

Wararka ayaa sheegay in Taliyaha Saldhigga BoliiskaGaalkacyo Dhamme Cali Xirsi Sahal uu faahfaahin ka bixiyay Howlgalka qorshaysnaa ay Ciidanku gacanta ku soo dhigeen ku dhawaad 50 Miino, Jawaano Buddo ah iyo Dadkii qarinaayay oo lagu kaydinayay duleedka degaanka Dagaari.

Sarkaalkaan ayaa xusay inay Ciidanku warbaahinta u soo Bandhigi doonaan qaraxyadaas iyo dad loo soo qabtay, Waxaa uu sheegay in xog muhiim ah oo ay ka heleen dadweynaha ay sababtay in la soo qabto miinooyin fara badan iyo qalabka laga sameeyo intaba.

208400cookie-checkXoogaga Amaanka Konfurta Gaalkacyo Oo Shaaciyeen Qabashada Keydkii Qaraxyada Shababka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com