Maamulihii Forex-ka Hubaal Oo Qabtay

Business

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya in Koox ka tirsan Xoogaga amaanka ay magaalada Muqdisho xalay ka qabteen islamarkaana xabsiga la dhigeen maamulaha guud ee Shirkada Hubaal Forex oo kamid ah shirkadaha ku shaqeeya sarifka lacagaha Onlineka….

Wararka ayaa sheegayaa in Mr.Maxamed Ismaaciil waxaa laga kexeystay hoteelka Jowhara oo ku yaala aagga isgoyska Km5 ee bartamaha magaalada Muqdisho, iyadoo ay wateen ciidamo hubeysan, waxeyna geeyeen Saldhigga booliska degmqda Hodan, halkaasoo uu xalay ku hoyday, waxaana maanta la filayaa iney bilaabato baaritaanada eedaha loo heysto.

Ninkaan, ayaa la sheegay iney soo eedeeyeen xubno Maamulka Farmaajo oo Dhaqaale kor u dhaafaya Kumanaan doollar ah oo ay dhigteen shirkada Hubaal la waayay, waxeyna mudo Sadeex bilood ah baadi goob ugu jireen sidii lacagahooda faa’idadeeda ah ay u heli lahaayeen.

Shirkadda Hubaal Forex ayaa la rumeysan yahay iney (Musaluftay) khasaartay adduun lacageed oo gaaraya $15 Milyan, waxeyna lacagaha isugu jiraan kuwo suuqa uga lumay iyo kuwa ay ku bixiyeen laaluush ahaan, maadaama dhowr jeer oo hore mas’uulkeeda ugu sareeya lagu xiray Muqdisho iyo Nairobi oo lacago lagu soo daayay.

28050cookie-checkMaamulihii Forex-ka Hubaal Oo Qabtay