Maamulka Farmaajo Oo Ka Hadlay Heerka Dhimashada Ee Cudurka Covid-19

Health

Saraakiisha Maamulka Villa Somalia ayaa ka war bixiyay Heerka Dhimashada ee Bukaanada Soomaalida ee u geeriyoodeen Cudurka Caabuqa ee Coronavirus, iyagoo sheegay in tirada geerida magaalada Muqdisho ay caadiyaan maalintii noqon karto 70 marxuum, haddii aanay xaalad kale jirin….

Warbixin ay la Wadaageen Guddiga Dowlada u qaabilsan ka hortagga cudurka Coronavirus shirkoodii habeen hore ayuu ka sheegay Agaasimaha Madaxtooyada Mr.Fuursade “inay xaaladda caadi tahay haddii geerida Muqdisho ee maalintii ay tahay ilaa 70 qof, isagoo soo xigtay qiyaasta geerida dalalka dunida ee mareegta indexmundi oo ah websita ururiya tirakoobka dalalka dunida.

Agaasimaha ayaa ku dooday in Somalia halkii milyan ee qof ay sanadkii ka dhintaan 12,800 qof (Kunkii qofka 12.8) sida Indexmundi laga soo xigtay, laakiin Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Filish ayaa Guddiga u sheegay in tirakoobka ay sameeyeen ay ku ogaadeen in maalintii Muqdisho ay xilligan ku dhintaan ilaa 50 qof, taasoo lagu tilmaamay tirakoob u baahan in dib loogu laabto.

Ma jirto tirakoob sax ah oo Dowladda Hoose ee Muqdisho ay heyso, iyadoo aan hadda qaban howshii aaska dadka oo ahaan jirtay qeyb hoos tagta, waxaana Qabuuraha gacanta ku heyn jirtay waaxda Dad-dhigista ee G/Banaadir, taasoo keentay in tirakoob iyo qiyaasyo caalami ah lasoo xigto, laguna saleeyo xaaladda dhabta ah ee dalka.

Haddii si fiican loo sii macneeyo dooda Agaasime fursade ayaa ah in Tuulo yar oo ay ku nool yihiin 1000 qof ay caadi tahay in maalin kasta ay ka dhimato 13 qof, wixii tiradaas ka badan oo kaliya la oran karo inaysan xaaladdu caadi ahayn, taasoo ah arrin aad looga doodi karo ama la heli karo tuulooyin tirakoob sax ah laga qaadan karo oo dalka ku yaalla xilligan.

Isla daraasadda Indexmundi ayaa muujineysa in dalka ugu dhimashada yar dunida uu yahay dalka Qatar oo kunkii qof ay ka dhintaan (1.6)

29240cookie-checkMaamulka Farmaajo Oo Ka Hadlay Heerka Dhimashada Ee Cudurka Covid-19