Dhakhaatiirta Cuba Oo Daawo iyo Qalin U Sameeya Dhaawacyada

Health

Faahfaahin dheeraad ah ka soo baxaaya Labada Dhakhtar ee Reer Cuba oo muddo gacanta ugu jira afduub ahaan Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka, kuwaasoo marba degaan geeya…

Xogo sirdoon oo laga helay Saraakiisha Spain ayaa laga soo xigtay in Tiro Odayaal dhaqmeed Soomaali ah oo ergo ahaan loogu diray sidii ay furdaamin lahaayeen siideynta Labada Dhakhtar oo la afduubtay 12-April-2019 Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya.

Sida xusan warbixino sirdoon oo ay xaqiijiyeen Sarkiil amaan, Waxaa Dr.Landy Rodriguez iyo Dr.Asel Herrera loo sameeyay ilaalo aad u hubeysan oo gaar ah, kuwaasoo ka tirsan guutada Xarasa oo ah Mintidiin xul oo mowqifkoodu fogaaday una qaabilsan Kooxda ilaalinta Dadka ay kooxdu soo afduubato.

Dhakhaatiirta ayaa la sheegay iney Qaliino iyo daaweyn u sameeyaan Dableyda kaaga dhaawacma dagaalada, Duqeynta Drones/ka iyo Xanuunada ku dhaca Maleeshiyaadka iyo Horjoogayaasha Kooxda Shabaabka.

Muddo Sanad ah ayaa muqaalo iyo warar la xiriira bad qabka Dhakhaatiirta laga waayay, inkastoo Ergada u tagtay ay sheegeen iney nool yihiin, Danjiraha Cuba ee Kenya Mr.Ernesto Gomez Diaz, ayaa sheegay iney sii wadi doonaan dadaalada ku aadan sidii si nabad ah looga soo deyn lahaa Dhakhaatiirta Kooxda Shabaabka.

27440cookie-checkDhakhaatiirta Cuba Oo Daawo iyo Qalin U Sameeya Dhaawacyada