Maamulka Farmaajo Oo Wada Hadalo Qarsoodi La yeeshay Kenya

Politics

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Wakiilko ka socda Maamulka Farmaajo ay kulamo qarsoodi ah kula yeesheen Magaalada Nairobi Sarkiil ka tirsan Dowlada Kenya, waxeyna u sheegeen iney diyaar u yihiin in mar 3-aad dib loo dhigo Dacwada Maxkamadda Cadaalada Aduunka…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in kulankaan qarsoodi ah ayaa looga dooday sidii mar kale dib loogu dhigi lahaa Dacwada Maxkamada caalamiga ee ICJ in mudo aan la cayimin mar kale dib u dhigto dhageysida dacwada badda Soomaaliya oo lagu balansanaa bisha soo socota ee June.

Qoraalka Kenya u dirtay Maxkamada ICJ ayaa lagu sheegay in qareenada difaaci lahaa uu saameyn ku yeeshay cudurka dunida dhibaateeyay ee Caronavirus, waxeyna sheegtay Kenya in qareenadooda kala xayirmeyn ayna shaqadooda saameyn ku yeelatay.

Iyadoo Wararku ay sheegeen in Maamulka Farmaajo uu oggolaaday in Dib Loo dhigo, waxeyna ku sababeeyeen in Dhibaatada ka dhalatay Cudurka Caabuqa ee Covid-19 iyo Qareenada Soomaalida Oo kuwo cusub u badan u baahan in wakhti kale loogu daro.

Dowlada Soomaaliya ayaa qoraalka ay u dirtay Maxkamada Caalamiga waxay kaga codsatay in dhageysiga dacwadda lagu qaado qaab muuqaal ah iyada oo la adeegsanayo teknoolijiyada casriga ah si looga maarmo in dib loo dhigo kiiska.

Dowlada Kenya ayaa labo mar hore ay codsaday in dib loo dhigo kiiska dacwada badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya laga aqbalay, lamana oga in mar kale Maxkamada caalamiga ay tix galin doonto codsiga Kenya iyo in ay diidi doonto.

34560cookie-checkMaamulka Farmaajo Oo Wada Hadalo Qarsoodi La yeeshay Kenya