Siyaasiyiinta Soomaalida Oo Cadaadis ku Saaray Madaxweynaha inuu Mowqifkiisa Muddo kordhinta Maamulada Cadeeyo

Somalia news

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa kordhiyay cadaadis ay ku saarayaan Madaxweynaha Dowlada Federaalka inuu cadeeyo go’aankiisa ku aadan muddo kordhinta sharci darrada ah ay Sameysteen Maamulada Gobolada, iyadoo amusnaanta Madaxweynaha loo fasirtay inuu oggolaaday…

Wararka ayaa sheegay in Siyaasiyiin ka soo jeeda degaanada Maamulada Konfur galbeed, Galmudug, Hirshabelle iyo Jubbaland oo kulamo gooni gooni ah la qaatay Madaxweynaha ay ka codsadeen inuu mowqifkiisa muddo kordhinta cadeeyo, iyadoo Maamulka Konfur galbeed uu ka horjoogsaday Siyaasiyiin degaanka ka soo jeeda ineysan degaanka tegi karin, iyadoo kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga uu u sheegay ineysan “ idiinka soo caban Dadkiina” hadii aysan dhicin mucaarad muddo kordhinta ka soo horjeeda Anigu waxba kama qabo.

Khubarada ku xeel dheer arrimaha gudaha ayaa aaminsan in Madaxweynaha Somalia uusan la dhacsaneyn muddo kororsiga, laakin xiliigaan uusan diyaar u aheyn inuu dagaal siyaasadeed la galo Maamulada Gobolada, talaabadaasi bedelkeeda uu ka door biday inuu Dalka ka xoreeyo Maleeshiyaadka kooxda Shababka si uu kaga baaqsado iney Maamulada curyaamiyaan Howlgalada socda.

Dhowaan waxaa magaalada Mogadishu ku shiray Siyaasiyiin ka soo jeeda Konfur galbeed, waxeyna cod dheer ku sheegeen ineysan aqbali doonin muddo kordhinta uu sameysatay Cabdicasiis Laftagareen, iyagoo ku dhawaaqay Madal Badbaado, iyadoo uu Maamulka u diiday iney tagaan magaalada Beydhabo, ku darsoo waxaa fashil qarka u saaran waan waan uu waday Gudoomiyaha Barlamaanka.

229960cookie-checkSiyaasiyiinta Soomaalida Oo Cadaadis ku Saaray Madaxweynaha inuu Mowqifkiisa Muddo kordhinta Maamulada Cadeeyo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com