Maamulka Garoowe Digniino ka soo Saaray Ethiopian-ka Sharci darrada ku Jooga Magaalada..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya in amar uu soo saaray Duqa Magaalada uu uga digay Dadka u dhashay Dalka Ethiopia ee sharci darrada ku jooga magaalada iney isaga baxaan hadii kale laga qaadi doono talaabo…

Wararka ayaa sheegay in Duqa Garoowe, Geeddi Axmed Tuure uu amar ku soo rogay Dadka u dhashay Ethiopia ee sharci la’aanta ku jooga Garoowe, “Waxaan rabnaa dadka in aan u sheegno, Inta ay goori goor tahay, dadka aan sharciga ku haysan caasimadda ee jooga ee u dhashay Itoobiya in ay isaga baxaan magaaladaan”.

Geeddi ayaa sheegay in qofkii aan ka bixin magaalada ee sharci la’aan ku sii jooga si xoog ah looga saari doono, islamarkaana isaga oo xirxiran laga saari doono, maadaama uusan wax sharciyad iyo ogolaansho ah haysan, Magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso ayaa waxaa ku nool tiro badan oo Ethiopian ah kuwaasoo inta badan si sharci darro ah ku joogo

331950cookie-checkMaamulka Garoowe Digniino ka soo Saaray Ethiopian-ka Sharci darrada ku Jooga Magaalada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *