Wafdi AU-da Ka Socda Oo Mogadishu Soo Gaaray & Ujeedada Ka Dambeysa..

Somalia news

Warar dheeraad ayaa laga helayaa Wafdi ka socda Midowga Afrika, uu shalay soo gaaray magaalada Mogadishu kaasoo la sheegay iney muddo saddex maalmood ku sugnaan doono Caasimadda, islamarkaana wadahadal la qaadan doono Madaxda AMISOM iyo dowladda Somalia…

Saraakiisha AMISOM ayaa xaqijisay in Dalka uu soo gaaray Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka, Amb.Bankole Cadeooye, kaasoo Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wakiilka Midowga Afrika Francisco Madeira iyo mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Amb. Bankole Cadeooye ayaa u yimid Muqdisho dardar-gelinta barnaamijka lagu dhisayo howlgalka cusub ee ATMIS, oo ah midka bedelaya AMISOM oo waqtigeeda ku eg yahay 31-ka March.

ATMIS ayaa noqon doono howlalka si toos ah u hoostaga dowladda Soomaaliya, oo dhaqaalaha ku baxaya Gollaha Amniga bixin doono, iyadoo ujeedka uu yahay inay sii hayaan amniga goobaha AMISOM ka baxayso, illaa inta laga diyaarinaya Ciidan Soomaaliyeed oo awood u leh inay mas’uuliyadda dalka la wareegaan.

171730cookie-checkWafdi AU-da Ka Socda Oo Mogadishu Soo Gaaray & Ujeedada Ka Dambeysa..