Maamulka Konfur Galbeed Oo Maleeshiyaad Gaar Ah Dhistay

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa Mr.Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), uu si hoose u dhistay Maleeshiiyaad gaara, oo fuliya dilalka iyo afduubka Dadka ka aragtida duwan ee degaankaasi ku nool….

Xogtaan ayaa la qeybsatay Diinah.com in Maleeshiyaadkaan oo tiradooodu lagu qiyaasay ilaa 70 dabley ah, kuwaasoo ay tababaro kala duwan ay siiyeen Macallimiin UK-ka ah iyo Ciidamada Ethiopia (Qeybta Amisom, waxaana ay ciidamadaasi ku tababareen xeradooda ku dhex taala Garoonka Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Ciidamadaan ayaa ka soo jeeda Jufada Mr.Lafta Gareen, iyadoo koox kale oo la sheegay iney gaarayaan 100-Dabley ah loo xoreeyay tababaro, Qeybdiid hore ee 70-kii ahaa ayaa 1-dii bishan la dejiyay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo, kuwaasoo dhaqaalahooda toos looga bixiyo Xafiiska Madaxtooyada.

Maadaama Maamulka Koonfur Galbeed uu mid fadhiid ah noqday ayaa waxaa isa soo taraya siyaasiyiinta iyo haldoorka bulshada, ee eedeymaha u jeedinaya Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen. Kooxdaan gaarka ah ee Madaxweynuhu sameystayna waxaa loogu talagalay in loo adeegsado dadka dhaliilsan maamulkiisa.

Waxaa xusid mudan in 16 bilood oo xafiiska uu Xooga ku joogay Mr.Lafta-gareen, ayuu ka jaray Ciidamadii Daraawiishta Koonfur Galbeed dhaqaalihii la siin jiray, Ciidamada Daraawiishta oo 4,500 oo askari lagu tilmaamo ayaa intooda badan isaga hayaamay Xeryaha, inta joogtana waxay ku jooggaan shaar qabiil. Ciidamada falaagoobay qaarkood waxay dhawaan dagaal beeleedyo kaga qaybgaleen Degmooyinka Diinsoor iyo Buurhakaba, dagaaladaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 25 qof.

27060cookie-checkMaamulka Konfur Galbeed Oo Maleeshiyaad Gaar Ah Dhistay