Maamulka Puntland Oo Eedeyn u Jeediyay Wakiilka UN-ka ee Somalia & Sababta..

Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa cabasho iyo eedeyn uu Wasiirka Arrimaha Gudaha u mariyay Baraha Bulshada Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Amb. James Swan oo dhawaan warbixin u gudbiyay Golaha Amaanka, taasoo ku saabsaneyd Arrimaha Somalia…

Mr.Juxaa ayaa ku Eedeeyay Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM Mr. James Swan inuu si khaldan fasiraad uga bixiyay Sawirka siyaasadeed ee dhabta ah ee Somalia oo Golaha Amaanka QM si khaldan u sheegay. Aragtiyo dheeli tirneyn dhana ka ah Maamulka Puntland, eedaan ayaa soo shaac baxeysa iyadoo Khilaadka Dowlada Federaalka iyo Maamulka Garoowe uu gaaray heerkii ugu hooseeyay.

Swan oo warbixintiisa marna aan ku soo hadal qaadin maqnaashaha Maamulka Puntland, isaga oo carabaabay wax ka beddelka dastuurka iyo horumarka Siyaasada Dalka oo uu sheegay inay dib u eegis ku socoto cutubyada 5-aad ilaa 9-aad, “Waxaa la dhiirri-gelinayaa wada-hadal ballaaran oo loo dhan yahay si loo gaaro is-wadar ogol siyaasadeed iyo meel-marinta sharciyada doorashada,” ayuu yiri James Swan.

Wuxuun kaloo kaga hadlay Warbixintiisa Amanka iyo adadaallada la dagaallanka Argagixisada oo wali u ah muhiimmadda aasaasiga ah ee Amniga, iyadoo Dowladdu ay sii waddo howlgallada milatari, Xiisadda gobolka iyo Diblamaasiyadda oo uu wel-wel ka muujiyay xiisadda gobolka ee ka dhalatay heshiiska is afgaradka ah ee Ethiopia la gashay Somaliland, Wixuuna soo jeediyay in arrinta lagu xaliyo si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

345810cookie-checkMaamulka Puntland Oo Eedeyn u Jeediyay Wakiilka UN-ka ee Somalia & Sababta..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *