Qaramada Midoobay Oo Shaacisay Tirada Laga Barakiciyay Las-caanood

Somalia news

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini-adam-nimada ee OCHA, ayaa iyadoo xiganaysa PRMN sheegtay in tirada dadka Maamulka Somaliland ka saartay magaalada Laascaanood iyo hareeraheeda ay gaadhay 7,250 qof…

Saraakiil ka tirsan Xafiiska QM ee Somalia ayaa sheegay in Dadkaan laga soo barakiciyey ilaa hadda magaalada Laascaanood ay la kulmeen dhibaatooyin intii ay wadada ku soo jireen, Waxa kale oo warbixintu sheegtay in tiro qoysas ah oo lagu qiyaasay ilaa 24 qoys ay u qaxeen deegaanada ku dhaw dhaw gobolka Sool sida Buuhoodle, sidoo kale, 75 qof oo ka qaxay magaalada Ceerigaabo, ayaa gaaray magaalooyinka Gaalkacyo iyo Baydhabo, kadib amar ka yimid Maamulka Somaliland.

Warbixinta ayaa sidookale sheegtay in dadka laga soo barakiciyay magaalooyinka bariga Somaliland ay la kulmeen, dhibaatooyin ay kamid yihiin, is waayitaan ka dhex dhacay qaar kamid ah waalidiinta iyo ubadkooda, 7 caruura oo lumay ayaa waalidiintoodi dib loola mideeyay, sidookale ilmo yar oo waalidkiisa ka lumay ayaa lagu hayaa xero barakac oo ku taala Gaalkacyo.

146250cookie-checkQaramada Midoobay Oo Shaacisay Tirada Laga Barakiciyay Las-caanood