Maamulka Somaliland oo Amaro La xiriira Ajaanibta Sharci darada ah soo Saaray…

Africa News Security Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa amaro ay Ajaaniibta Sharci darrada ku jooga Degaanada Maamulka Gooni goosadka Somaliland ka soo saareen, kuwaasoo lagu faray iney is-diiwaan geliyaan si KMG ah hadii kale ay la kulmi karaan ciqaabo Xabsi iyo Musaafurin qasab ah..

Qoraal-saxaafadeed ay Waaxda Arrimaha gudaha ay soo saartay ayeey ku amartay Shisheeyaha aan sharciga haysan iney iska soo diiwaan geliyaan laanta socdaalka inta u dhaxaysa May 6 ilaa 26, 2025, Ciddii u hogaansatana la siin doono sharci ku meel gaar ah, Dadka ka baaqsada ayaa la sheegay iney la kulmi doonaan Xabsi, Ganaax Lacageed iyo Musaafurin qasab.

Ajaanibka doonaya inay Degaanada Somaliland ka baxaan ayaa la faray iney si rasmi ah isu diiwaan galiyaan bixitaankooda goobaha laga soo galo xuduudka ka hor inta aanay ka bixin, Waaxdu waxay ka digtay in shaqsiyaadka isku diwaan galiya mudada loo qabtay ay la kulmi doonaan tilaabo sharci ah, Wakiilka Ethiopia ee Hargeysa ayaa Maamulkii hore ka codsaday i ey hakiyaan Masaafurinta qasabka ah ee Dadka Ethiopianka ah.

Wararka ayaa sheegaya Degaanada Maamulka Somaliland ayaa ku sugan Kumanaan Ethiopian ah oo in badan ay ka shaqeeyaan shaqooyin hoose, Muddo Tobanaan sanado ah ku noolaayeen, maamulka Somaliland waxa ay si isdaba joog ah u tarxiili jireen Shisheeyaha aan sharciyeysnayn taasoo qayb ka ah dadaallada dhaqangelinta socdaalka.

371700cookie-checkMaamulka Somaliland oo Amaro La xiriira Ajaanibta Sharci darada ah soo Saaray…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *