Maxaa Hortaagan in Dib u Habeyn lagu Sameeyo Hanaanka Canshuurta Gadiidka loo qaado

Somalia news

Macluumaad ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Somalia Mr.Xasan uu calan side u noqday Musuq baahsan, eex iyo sadbuursi qoykiisa ah kuwaasoo Hey’adihii Dhaqaalaha iyo Canshuuraha uu u magacaabay sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, wuxuuna caqabad ku noqday Dowlad wanaaga iyo Daah furnaanta.

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa sheegaya in Wasaarada Gadiidka gaar ahaan qeybta Taargooyinka ee Gaadiidka Dadka la soo dega ay ka qaadi jireen 200-US$, Haddana laga dhigay 300-US$, waxaana Lacagtaasi la dhigaa Notaayo ku taal magaalada Mogadishu si Taargo Gaariga loogu Sameeyo.

Dhaqaalahaan, ayaa waxaa shirko ku ah Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gadiidka, Cali Gacal oo qaraabo Afada-2-aad ee Madaxweynaha, Iskaashada Gadiidka, Rugta Ganacsiga, Xafiiska Gadiidka iyo Taliska Boliiska Taraafikada, iyadoo Dhaqaalahaan lagu qaado bixinta Taargada Gaadiidka, waana ayaan darro in weli dhaqankii Musuqa uu hareeyay Maamulka Garguurte.

Ku darsoo Khidmada Gadiidka wadada mara ee (Trimestrale), oo ay horey u qaadi jireen Hogaanka Traafkada Boliiska ayaa Maamulka Xasan Sheekh wuxuu ku wareejiyay Shirkad gaar ah oo isaga xigto la ah, waana ayaan darro in Madaxweyne Xasan uu calan side u noqdo.

-Musuq isaga iyo Qoyskiisa ah.

-Marooqsi awoodeed uu ku inkirayo hanaanka shaqo ee Hay’adaha Fadaraaliga ah sida Golaha fulinta, wuxuuna hortaagan yahay in dib u habeyn lagu sameeyo hanaanka Gadiidka Canshuurta loo qaado.

231340cookie-checkMaxaa Hortaagan in Dib u Habeyn lagu Sameeyo Hanaanka Canshuurta Gadiidka loo qaado