Share the post "Maamulka Trump ee Mareykanka oo Arday Badan Kala Laabtay Fiisayaashii ay Dalkaasi ku Joogeen.."
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in Maraykanku uu baabi’iyay tiro Dal-ku-galyada ugu yaraan 300 Arday oo Ajnabi ah, kadib markii Maamulka Trump uu ku eedeeyay iney ka qeyb qaateen dibad-baxyo dhan ka ah Falalka xasuuqa ay ka wadaan Ciidamada Yuhuuda Dhulalka Falastiin..
Waana talaabo guracan oo qayb ka ah qorshayaasha Madaxweynaha USA ee Islam naceybka ku dhisan ee lagu xakameynayo banaanbaxyada lagu taageero Falastiiniyiinta ee dhaca Jaamacadaha Dalkaasi, iyadoo ficilidaan ay ku soo beegmeen kadib markii dhawaan la xiray Arday ka soo jeeda Dalka Turkiga kaasoo dhoganaayay Jaamacadda Tufts ee USA.
Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Mareykanka Mr.Marco Rubio ayaa sheegay, “Waxaa laga yaabaa iney ka badan yihiin 300 ilaa hadda,” ayuu yiri isaga oo la hadlayay Warbaahinta intii uu ku jiray booqashadiisa Guyana. “Arrintan waxa aan samaynaynaa maalin kasta iyo mar kasta oo aan helno mid ka mid ah kuwan nacasiinta ah.”