3-Nin oo Ganacsato ah ayaa lagu dilay Degaan hoos Yimaada Gobolka Shabeelada Dhexe..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaan hoos yimaada Mahadaay ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in Fal Dil ah uu ka dhacay Degaankaasi laguna dilay 3- Qof oo Ganacsato ah oo iskuna qoys ahaa maanta, waxaa falkaasi lagu eedeeyay Kooxda Macawisleyda Degaanka..

Wararka ayaa sheegay in ka hor inta aan la dilin 3-Ganacsatada ah, ayaa waxaa la sheegay in Degaanka ay weerar ku qaadeen Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada Shabaabka, kuwaasoo beegsaday fariisin ay ku sugnaayeen Xoogaga hubeysan ee Degaanka loo yaqaano Macawisley.

Weerarka kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay labada dhinac, waxaana markii dambe la sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerarka soo qaaday ay dib u gurteen, kadib ciidamada Degaanka ayaa la sheegay iney toogteen 3-Nn ee Ganacsatada ah, iyagoo ku eedeeyay iney basaasiin u ahaayeen kooxda Shabaabka.

Dhacdadaa ayaa argagax ku abuurtay Dadka Degaanka, waxaana hadda Tuulada ka taagan xiisad dagaal, iyadoo dhaqdhaqaaqyo Ciidan laga dareemayaa nawaaxiga degmada Mahadaay, Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe oo ku aadan dhacdadan saameysay dadka degaanka.

309420cookie-check3-Nin oo Ganacsato ah ayaa lagu dilay Degaan hoos Yimaada Gobolka Shabeelada Dhexe..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com