Maamulka Villa Somalia Oo Lagu Eedeeyay Xadgudubyo..

Politics

Warbixin sanadle ah, oo ay wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka kasoo saartay xaaladda xuquuqda aadanaha Somalia, ayaa eedeymo culus loogu jeediyey Maamulka Farmaajo, si la mid ah kooxda Al-Shabaab…

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda, Kooxda Shabaab iyo maleeshiyo beeleedyo ay ku kaceen xadgudubyo dhan ka ah xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan dilal ka baxsan sharciga oo ka dhan ah dad rayid ah.

Maamulka Villa Somalia ayaa sidoo kale lagu eedeeyey mas’uuliyadda dad la waayey, jirdil, falal cadowtooyo, kuwa ka baxsan bani’aadannimada iyo dhaqan liidid ama ciqaab ah, si la mid ah maleeshiyada Shabaab iyo maleeshiyo beeleedyo.

Ciidamada Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada waxay geysteen xarigyo ay ka dambeyso siyaasad oo ay ku jiraan kuwa ka dhan ah suxufiyiinta,” ayaa lagu yiri warbixinta wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka.

Warbixinta ayaa sidoo kale dowladda ku eedeysay ficillo dhowr oo musuq-maasuq ah, xadidaadda iyo is-hortaagga in dadka ka qeyb galaan hanaanka siyaasadda iyo si qaldan ugu adeegsashada caruurta askar ahaan, si la mid ah maleeshiyada Ahlu-Sunna iyo maleeshiyo beeleedyada.



22880cookie-checkMaamulka Villa Somalia Oo Lagu Eedeeyay Xadgudubyo..