Macalin Dugsi Quraan iyo Xaaskiisii oo lagu dilay Degaan hoostaga Dhuusa mareeb…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa koox hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ay xalay dil ugu geysteen Macallin Dugsi Quraan iyo Ooridiisa kana dhacay degaanka Gorfaale oo ka tirsan Degmada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galguduud, marxuumiinta ayaa xiliga dilka ku sugnaa Hoygooda… 

Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka Magaciisa lagu sheegay Macallin Cabdullaahi Cali oo loo yaqiinay (Jalaqle), iyadoo dilka la la xiriirinaayo Aano Qabiil oo argoosi uu salka ku hayo, Dableyda dilkaan fulisay ayaa si deg deg ah Xalaynimo goobta uga baxsatay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka maamulka Galmudug oo ku aadan dilkaan aragagax leh ee xalay ka dhacay Degaankaasi.

Dhacdadaan naxdinta ah ayaa saaka Dadka Reer Galmudug si weyn u hadal hayaan, waxaana xusid mudan ee Degaanada Maamulkaasi ay kusoo badanayaan mudooyinkii dambe Dagaalada Beelaha iyo Dilalka argoodisga iyo Naxdinta leh ee salka ku hayo aanooyinka Beelaha, iyadoo Maamulka uu ku fashilmay inuu xakameeyo dhacdooyinka iyo dagaalada.

333000cookie-checkMacalin Dugsi Quraan iyo Xaaskiisii oo lagu dilay Degaan hoostaga Dhuusa mareeb…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com