Macallimiin Ka Cabaneysa Xuquuqdoodii Oo Laga Baaqsaday

Politics

Qaar ka mid ah Macallimiinta Dugsiyada Sare ee Waxbarashada oo ay maamusho Wasaarada ayaa ka cabanaya gunnooyinkii la siin jiray oo laga baaqsaday in aan la bixin muddo dhowr bil ah…

Xubno ay iska soo xuleen Macallimiintaan ayaa sheegay in aysan qaadan wax gunno ah bishii March illaa hadda, islamarkaana aysan fileyn bilaha nagu soo aadan.

Qaar ka mid ah macallimiinta ayaa warbaahinta u sheegaya in sababta gunnooyinka loogubaaqsaday ay tahay kadib markii wasaaradda waxbarashada ay dabayaaqadii bishii March ku dhawaaqday in la hakiyo sanad dugsiyeedkii xilli ay ka harsan tahay dhowr bil, sababo la xiriira caabuqa Corona virus.

Dhanka kale, Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare, ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay kulan ay wada yeesheen wasaaradaha heer dowlad goboleed iyo maamulka gobolka Banaadir.

War-saxaafadedka ayaa lagu qoray Ilaa afar qodob ayaa laga soo saaray kulanka dhex maray wasaarada, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, kuwaasoo ay isku raaceen dhinacyadu, waxayna kala yihiin qodobadaas.

32170cookie-checkMacallimiin Ka Cabaneysa Xuquuqdoodii Oo Laga Baaqsaday