Sidee loo Hormarin karaa Nidaamka Maamul ee Puntland ku Dhisan tahay Loona Gaarsiin karaa Kan Xisbiyada Badan

Politics Somalia news

Dad badan oo degaanka ka soo jeeda ayaa welwel ka muujiyay Nidaamka jilicsan ee Puntland xiligaan ku dhisan tahay, taasoo soo shaqeyneysay muddo 24-sanadood, iyadoo weli marjac iyo Geedi fadhi u yihiin Odayaal dhaqmeed soona xula 66-Xildhibaan ee Baarlamaanka degaanka…

Dooda ugu badan ee siyaasadda Puntland Maalmahaan ka soo yeereysaa ayaa intooda badan ku dhisan yihiin ogaal la’aanta Dad badan ka haysata xeerarka doorashooyinka, dastuurka aan aftadi lagu ansixin, xeerarka degmooyinka iyo gobolada Puntand iyo Khilaafka Siyaasiyiinta degaanka oo sii xoogeysanaaya Maalinba maalinta ka dambeysa.

Marka reerku geedi gelaayo, waxa Awrta caynka loogu giijaa loona guureeyaa kob ama dooxo ka wanaagsanaa halka uu deganaa, waxayse ku xiran tahay sida loo sahmiyey, haddaba, Puntland yaa u sahmiyey? Dani ama Aaran Jaan mise Odayaasha Biilka joogtada qaata.

Aragtida Hore (Dani & Kooxdiisa Cusub):-

Kooxdaan ayaa qabta in 3-da Gobol (Bari, Nugaal iyo Qeybo ka mid ah Mudug + Buuhoole) laga hirgeliyo Nidaam doorasho cusub kadibna la soo saaro saddex xisbi oo dalku yeesho kuwaas oo go’aan ka gaaraya masiirka Dalka, in muddo kordhin la sameeyo si loo doorto Xildhibaanadii 66 ahayd ee soo dooran lahaa Madaxweynaha.

Aragtida 2-aad:-

Aragtida labaad waa mid si toos ah uga soo horjeeda aragtida hore waxaa Hoggaanka u haya, Siyaasiyiintii soo dhisey Siciid Deni ee loo yaqaan Aaranjaan, koox u hormuud u yahay Sen. Cabdiraxmaan Faroole iyo kuwo kale.

Haddaba, waxaa jira daraf 3-aad oo ka mid ah saamileyda siyaasadda Puntland kuwaasoo daawanaya waxa Puntland ka socda, oo ay ku jiraan ururrada siyaasadeed ee Puntand, waxay sugayaan dagaalka labadaas dhinac u dhexeeya, halka qaar aamini la yahay in Siciid Deni iyo saaxiibadiis kala dhaqaaqeen.

Dad badan ayaa qaba in qorshaha Siciid Deni u wado waa mid aan la aqbali karin ilaa dhibaatooyinka yaala heshiis laga gaaro, isla markaana caddeeyo wax badan oo mugdi ku jirta, oggolaado in laga wada hadlo casharadii laga bartey saddexda degmo, kadibna halkaas laga anbaqaado.

216280cookie-checkSidee loo Hormarin karaa Nidaamka Maamul ee Puntland ku Dhisan tahay Loona Gaarsiin karaa Kan Xisbiyada Badan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com