Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Herigate ayaa warbixin ka soo saaray doorashada Somalia ee loo madlan yahay inay dhacdo dhamaadka sanadkan iyo horaanta sanadka 2020/2021, iyagoo soo qaatay sharciga doorashooyinka ee uu bilo ka hor saxiixay Madaxweyne Farmaajo, kaasoo ah nidaamka doorashada qof iyo cod iyo Caqabadaha u baahan xalinta….
Machadka ayaa ka hadlay ciladaha uu leeyahay xeerka doorashada uu meel mariyay baarlamaanka labada aqal, sida in aysan taageersaneyn maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, in xeerkan caddeyn kuraasta Somaaliland iyo matalaada Gobolka Banaadir.
Sidoo kale Machadka ayaa sheegay in doorashada sanadka 2020-ka haddii la waayo qof iyo cod in la qaato nidaamka doorashada ka qeyb galka ballaaran.
“Machadka Heritage waxa uu soo jeedineynaa hannaan kale oo lagu maareyn karo doorashada soo socota ee 2020, waxaana ugu magac-darnay “Habka Ka-Qeybgalka Ballaaran”ayaa lagu yiri warbixinta Heritage.
Sidoo kale waxaa uu machadka soo jeediyay in kursi kasta ay u codeyso illaa kun qof, isla markaana kunkaas qof ay soo magacawdo beel kasta, waxaana kunkaas qof lagu daro ergada kale ee maamul goboleedkooda, tusaale ahaan kuraasta taal Koofur Galbeed ee 69 Kursi ay u codeyso 69,000 oo ah dhammaan ergooyinka ka yimid beelaha maamul goboleedka degan.