Madaxa Maamulka Gooni goosadka Waqooyiga Degaanada Somalia oo ka Hadlay Maalinta Gooni goosadka…

Somalia news

Madaxa Maamulka Gooni gooska Gobolada Waqooyi ee Somalia oo ka hadlaayay Munaasabada 18-ka May ayaa sheegay inuu dhawaan dhaqan geli doono Heshiis rasmi ahna loo rogi doono Is afgaradkii uu la saxiixday RW Ethiopia Abiy Axmed, kaasoo ogolaanayay in qeyb kamid ah biyaha Somalia ay Ethiopia ka dhisato saldhig Ciidamada Badda…

Horgale Muuse Biixi ayaa sheegay in Madaxda DFS ay ka xun yihiin, Aqoonsiga Somaliland isagoo sheegay iney Ethiopia amniga Konfurta dalka Somalia, qeyb lixaad leh ka sugto oo aan lagu qabsan, laakiin dhankooda loo diidan yahay horumarka, Maamulka Waqooyiga ayaa maanta xusaaya maalintii ay ka goosteen Somalia inkastoo ilaa hadda aysan gelin wax awoonsi ah.

Horgale Biixi, ayaa isku dayay intii uu waday hadal jeedintiisa inuu sheego in xariirka Somalia iyo Erhiopia uu wanaagsan yahay, oo aysan jirin cadaawad ka dhaxaysa labada dal, Dhawaaqaan ayaa ku aaday xili Degaanada laga qabsaday ee Gobolka kal hore ay weli ku jiraan abaabul iyo diyaar garow sidii ay dib u qabsan lahaayeen degaanadaasi.

327320cookie-checkMadaxa Maamulka Gooni goosadka Waqooyiga Degaanada Somalia oo ka Hadlay Maalinta Gooni goosadka…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com