Boliiska Gobolka oo Wariye ka dhex Qabtay Jaamacad ku taal Magaalada Mogadishu..

Somalia news

Wararka ayaa laga helayaa xarig loo geystay Wariye ka tirsan Warbaahinta gudaha Caasimada, iyadoo koox ka tirsan Hogaanka Baarista Dembiyada ay ka dhex qabteen Jaamacad ku taal Caasimada Mogadushu xilli uu waxbarasho ku jiray si qasab ah kuna kaxeystay xaruntooda…

Wararka ayaa sheegayaya in Wariye Maxamed Ibraahim Bulbul io ka mid ah Wariyayaasha ka howl gala Magaalada Mogadishu, waxaana lasheegay in lagu eedeeyay inuu Warar been abuur ah ka fidiyay Madaxa Boliiska Gobolka Benadir Macallin Mahdi Cumar Muumin iyo saraakiil ka tirsan Wasaarada Warfaafinta.

Wariyaha ayaa la sheegay in lagu xiray Xabsiyada CID-da Mogadishu, Wariye Bulbul ayaa hadda ahaa Xoghayaha Warfaafinta & Xuquuqul Insaanka ee Ururka Saxafiyiinta SJS, iyadoo Xildhibaan Daahir Amiin iyo xubno Qoyska Wariyaha la sheegay iney wadaan dadaalo dib loogu soo celinaayo xoriyadiisa, iyadoo Somalia ayaa lagu tilmaamaa mid ka mida Dalalka ugu halista badan dunida ee Wariye uu ka hawlgalo.

272550cookie-checkBoliiska Gobolka oo Wariye ka dhex Qabtay Jaamacad ku taal Magaalada Mogadishu..