Madaxda Dowlada Oo Dhuusa mareeb Ku Sii Jeeda

Somalia news

Kadib markii Wakiilada Beesha Caalamka ay culeysyo ku saareen Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa 1-aad, iney Tagaan Magaalada Dhuusa mareeb, si ay uga qeyb galaan Kulanka ay ku leeyihiin Madaxda Dowlad goboleedyada xalna looga gaaro Arrimaha Doorashooyinka…

Xogtaan ayaa Diinah.com u xaqiijisay Labada Mas’uul ay aqbaleen martiqaadkii Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ahaa in Shir la isugu yimaado Dhuusamareeb, si looga arrinsado arrimaha doorashooyinka, kaasoo qeyb ka ahaa qodobadii ku xusnaa war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb.

Wasiirka 1-aad ayaa la sheegay inuu maanta gaari doono magaalada Dhuusamareeb, iyadoo Madaxweyne Farmaajo oo maalmo ka dambeyn doono, waxaana ku wehlin doona tiro Wasiiro iyo La-taliyayaal.

Dhanka kale,Madaxweynaha Puntland ayaa Garoowe ku laabanaya si uu uga qeyb galo Aaska Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Somalia Xasan Abshir, isagoo ka dibna ku soo laaban doona magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaas sii joogi doona madaxda kale ee dowlad goboleedyada si ay uga qeyb galaan wajiga labaad ee shirka Dhuusamareeb oo looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka.

47850cookie-checkMadaxda Dowlada Oo Dhuusa mareeb Ku Sii Jeeda