Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Muqdisho

Somalia news

Wararkii ugu dambeeyay ee Qaraxa xoogan oo jugtiisa inta badan laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Tarabuunka ee Degmada Hodan, ayaa la la beegsaday Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka.

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in weerarka lagu qaaday Gaariga Taliyaha Ciidamada Xoogga, wuxuuna ka dhacay inta u dhaxeysa isgooska Tarabuunka iyo Isbitaalka Xooga, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyayoo noociisu yahay Saaruf lagu dhuftay gaarigii uu la socday Taliyaha.

Saraakiil katirsan Ciidamada ayaa noo sheegay in Jeneraal Odawaa ka badbaaday qaraxa lala beegsaday, waxaaba goobta ka kaxeeyay ciidamo gurmad ah oo geeyay goob amaan ah.

Taliyaha Ciidamada ee qaraxa lagu weeraray ayaa la socday gaari nuuca aan xabaduhu karin, waxaana qaraxa kahor inta aan gaariga taliyaha lagu dhufay isku dayay in uu ka celiyo gaari Cabdi bille ah oo ilaalo ka hayay taliyaha.

Waxaa jira Khasaaro qaraxa kasoo gaaray qaar kamid ah ciidamadii ilaalinayay taliyaha ciidanka xooga Soomaaliya, waxaa sidoo kale qaraxa uu waxyeelo kasoo gaaray dad shacab ah oo ka agdawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

47790cookie-checkQarax Xoogan Oo Ka Dhacay Muqdisho