Madaxii Ilaalada Agaasimaha NISA Oo Xil Lagu Abaal Mariyay

Politics

Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida (NISA) Adeege Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa Madaxii Ilaaladiisa u magacaabay Nabadsugida Gobolka Banaadir….

Qoraal kasoo baxday Xafiiska Adeege Fahad ayuu waxaa xilka madaxa Nabadsugida Gobolka Banaadir u Magacaabay Yaasiin Cabdullaahi Farey oo ka soo jeeda Degmada Ceel dheer Gobolka Galguduud.

Wuxuuna bedelay Madaxii KMG ahaa ee Nabadsugida gobolka Benaadir Ciise Maxamed Ciise. Yaasiin Cabdullaahi Farey oo ah Taliyaha cusub ee loo magacaabay Nabad sugida Gobolka Banaadir ayaa ahaa Madaxa Ilaalada gaarka ah ee  Agaasimaha Hay’adda NISA, isagoo horeyna ula soo shaqeeyay Taliyeyaal kale.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Magacaabistaan uu ka dambeeyo Mr.Farmaajo oo qorsheeyay in Weeraro lagu Guryaha ay Magaalada ka degen yihiin Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasoo uu u arko Mr.Farmaajo iney caqabad ku yihiin hamigiisa Soo laabashada.

26730cookie-checkMadaxii Ilaalada Agaasimaha NISA Oo Xil Lagu Abaal Mariyay