Qatar Oo Lagu Eedeeyay Qalalaasaha Jubbaland..

Politics

Xisbiyadda mucaaradka Soomaaliya oo war kasoo saarey xasaradaha ka aloosan gobolka Gedo iyo dagaalkii dhowaan ka dhacay magaalada Beledxaawo, iyagoo tacsi u diray ehelada dadka ku Geeriyooday.

Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan yihiin xisbiyadda ayaa sheegtay iney ka xun yihiin in qalabkii ay Qadar ku taageertay ciidamadda Soomaaliya “lagu daadiyo” dhiiga maatida aan waxba galabsan.

Si gaar ah, Madaxa sirdoonka, Fahad Yaasiin, iyo Kuxigeenkiisa ayay ku eedeeyeen “iney burburiyeen qaab dhismeedka ciidamadda una Adeegsanayaan siyaasad gurracan oo ka duwan waajibaadkii loo igmaday”.

War-saxaafadeedka ayay kusoo jeediyeen in la joojiyey faragelinta iyo qalalaasaha isla markaana Al-Shabaab laga xoreeyo magaalooyinka ay haatan ka maamulaan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Nuxurka war-saxaafadeedka.

  1. In Madaxwaynaha Dawladda Fedaralka & Xukuumadiisu ay joojiyaan kala qaybinta iyo hurinta colaadaha ay ka wadaan Dowlad Goboleedka Jubbaland, gaar ahaan Gobolka Gedo.

2. In Madaxwaynaha Dawladda Fedaralka & Xukuumadiisu ay dadaal ku bixiyaan inay ka xoreeyaan Argagixisada dhulka ay haystaan, kana waantoobaan in Ciidanka Qaranka loo isticmaalo dano gaar ah oo siyaasadeed.

3. In Madaxwaynaha Dawladda Fedaralka & Xukuumadiisu ay u dayso sugidda amniga Ciidamada Daraawiishta ee Jubbaland, kana kaalmeeyso sidii nabaddiidka Dalka looga xorayn lahaa.

4. Dawladdu waa in ay dhageysato cabashada shacabka deegaanka Gobolka Gedo lagana qaado xayiraadda sharci darrada ah ee duullimaadyada
5. Waxaan uga digaynaa ciidamada Itoobiyaanka ah ee deegannadaas ku sugan in loo adeegsado khilaafka siyaasadeed ee halkaas ka jira, waana inay ka fogaadaan waxyeellada shacabka, ilaaliyaanna deris wanaagga.

Ugu dambeyntii, Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka gobolka Gedo waa inay u istaagaan in howlgallada siyaasadaysan ee Xukuumadda Federaalku ay ka waddo Gobolka Gedo aysan isu beddelin dagaal beeleedyo.

17120cookie-checkQatar Oo Lagu Eedeeyay Qalalaasaha Jubbaland..