Madaxii Radia Shabelle Oo la Dhigtay Xabdi ku yaal Magaalada Mogadishu..

Security Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay fuliyeen Ciidamo ka tirsan Boliiska Gobolka Benaadir laguna soo qabtay Madaxii Radio Shabelle iyo Kuxigeenkiisa kuwaasoo qabashadooda la sheegay iney wakhti yar u dhaxeysa, iyadoo aan la ogeyn Sababta ka dambeysa..

Wararka ahaa sheegaya in Boliiska ay qabteen Madaxii Shabakadda Warbaahinta Shabelle Abuukar Sheekh Maxamuud (Abuukar Iskay), iyadoo saacado kooban ka hor isla Saldhigga Xamarweyne lagu xiray Ku xigeenka warbaahinta Shabelle Maxamuud Cabdinaasir Soofeysane, Maamulka Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Madaxa iyo Kuxigeenkiisa waqti kala duwan oo aan kala fogeyn looga yeeray Saldhiga degmada Xamarweyne kadibna ay xabsiga dhigeen.

Talaabadaan ayaa waxay muujinaysaa in Hogaanka Fashilmay ee Villa Somalia uu dhegaha ka fureystay baaqyada la xiriira joojinta caburinta saxaafadda xorta ah, ku darsoo waxaa horey xabsiga loo dhigay Weriye Soofeysane uu ku soo beegmay iyadoo labo maalmood ka hor Boliiska Gobolka Banaadir uu xoriyadiisa ka qaaday muddo kooban Weriye Faysal Cumar oo ka tirsan wakaaladda wararka caalamiga ah ee Reuters.

367640cookie-checkMadaxii Radia Shabelle Oo la Dhigtay Xabdi ku yaal Magaalada Mogadishu..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *