Miyaa Maamulkaan Fadhiidka ah Ee Villa Somalia Xigaan lagu Aamini karaa in Dhaqaalo loo uruuriyo…

Somalia news

Iyadoo Hogaanka Maamulka Fadhiidka Gobolka Benaadir oo lagu eedeeyay Musuq, Nidaam iyo Hogaan xumo ayaa haatan u istaagay inuu qeyb ka noqdo qorshe Dhaqaale loo uruurinaayo Ciidamada Xooga Dalka oo Dagaal habaacsanaan badan iyo Istraateejitad la’aan ka muuqato ka daah furay Qorshahaan la doonayo in Shacabka Soomaaliyeed u uruuriyaan Qaaraan la sheegay in lagu taakuleynayo…

Qorshahaan maanta waxaa ku dhawaaqay Gudoomiyaha Gobolka Benaadir (Madaale) iyo Taliyaha Ciidmaada Xoogga Dalka Jen. Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, waxaana lagu sheegay “Barnaamijka Dalkaaga ugu hiili hal Dollar”, waxeyna sheegeen in Shacabka meel walba oo ay joogaan looga baahan yahay garab istaaga Ciidamada dalka ee dhiigooda u huray xoreynta dalka, iyagoo Shaaciyay in la sameeyay Akoonno  ay shacabka kusoo diri karaan lacagaha Taakuleynta Ciidamda Xoogga Dalka.

Lama oga cidda maamuleysa Akoonada cusub ee lagu ururinayo dhaqaalaha Shacabka ugu deeqayaan ciidamada, mana jirto wax faahfaahin ah oo laga bixiyay kaalinta xukuumadda iyo Maamulka Gobolka Banaadir, Villa Somalia oo xiligaan wajaheysa qorshe xumo iyo Istraatejiyad dagaal oo tayadiisu hooseyso taasoo horseeday in Ciidamo Kor u dhaafaya 1300 oo Saraakiil iyo Askar lagu dilay Dagaalka sanadka socda 600-Gaadiidka Tiknikada ah laga dhigay howlgab ama la qabsaday.

Miyaa Maamulkaan Fadhiidka ah lagu aamini karaa in Dhaqaalo loo uruuriyo, iyadoo aan marka hore la la xisaabtamin khaladaadka ka muuqda Qorshaha Dagaal ee Xasan Gurgurte.

283510cookie-checkMiyaa Maamulkaan Fadhiidka ah Ee Villa Somalia Xigaan lagu Aamini karaa in Dhaqaalo loo uruuriyo…