Madaxii Xafiiska Socdaalka W/Gaalkacyo Oo La Dilay

Politics

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Shalay xiligii salaada Maqrib ay Dabley lagu tuhmaayo iney ka tirsan yihiin Kooxda Shabaabka ay ku dileen Madaxii Xafiiska Socdaalka (Immgration-ka) ee Garoonka Diyaaradaha Waqooyiga Magaalada…

Wararka ayaa sheegaya in Marxuum Cusmaan Xuseen Xaaji Ismaaciil (Farey), lagu toogtay xili uu weyso qaad uu ku jiray Salaad maqrib ka hor, waxaana dilay Dabley bastoolado ku hubeysan oo goobta ka baxsaday, Marxuumka ayaa xiligaasi ku sugnaa Masaajidka Al-Hudda ee Xaafada Israac ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxeyna marxuumka Xabadaha kaga dhaceen qeybaha Sare ee jirkiisa.

Bilooyin ugu dambeeyay Waxaa labada qeybood ee Magaalada Gaalkacyo ku soo badanaayay dilalka qorsheysan ee Loo geysanayaan Waxgaradka iyo Mas’uuliyiinta Maamulada, iyagoo Madaxda Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland ku adeykeysteen iney xididida u siibi doonaan kooxaha dilalka ka fuliya Magaalada Gaalkacyo,

27290cookie-checkMadaxii Xafiiska Socdaalka W/Gaalkacyo Oo La Dilay