Madaxtooyada Oo Dhaqaalihii Ka Jartay Xubno Ka Tirsan Culumaa’udiinka

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa sheegaya in Qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed ee taageerada u ahaa Maamulka Villa Somalia, ayaa laga goostay Dhaqaalihii billaha ahayd ee lagu siin jiray inaysan dowladda dhaliilin oo ay difaacaan…

Culimadaan ayaa dhaqaalahaan bishii ka qaadan jiray madaxtooyada Soomaaliya waxayna hada waayeen guud ahaan lacagtaas oo tan iyo 2018-kii aysan u heli jirin joogto.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in sidoo kale ay culimadaan ku adkaatay gelista madaxtooyada Soomaaliya oo ay markii hore si dhibyar ku geli jireen waxaana soo foodsaaray cadaadis dhaqaale iyo midka gelista Villa Somalia.

Lama oga sababta ka dambeysay arrintaan hase yeeshee wadadaan ayaa ku xirnaa Villa Somalia waxaana dhowr jeer lagu eedeeyay in lacago sharci darro ah laga siiyo Villa Somalia.

Dowladda Soomaaliya oo ku guda jirtay sanadkii ugu dambeeyey muddo xileedkeeda ayaa billowday inay lacago ka jirtay dhinac badan, oo xitaa ay ku jiraan ciidanka koofiya casta ee ilaaliya madaxtooyada.

Mid ka mid ah sababaha ugu weyn ee dhinacyo badan dhaqalaha looga jaray ayaa lagu sheegay in la diyaarinayo dhaqaale badan oo ku bixi doona dadaalka dib u doorashada madaxweyne Farmaajo.

23270cookie-checkMadaxtooyada Oo Dhaqaalihii Ka Jartay Xubno Ka Tirsan Culumaa’udiinka